|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Daawo Muuqaal ahaan Sida Wanagsan ee Madaxweynaha Soomaaliya loogu Soo dhaweeyay Xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Brussels
JANUARY 31, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maalmahaan booqanaya xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ayaa waxaa uuhalkaasi kulamo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay madaxda ugu sareysa Midowga Yurub.
Wada hadalada Madaxweynaha iyo madaxda kale Yurub ayaa lagu soo waramayaa in diirada lagu saarey arimo xasaasi ah oo khuseeya xaaladaha Siyaasadda iyo nabadgalyada ee dalka Soomaaliya, waxayna midoowga Yurub gaarsiiyeen madaxweynaha Soomaaliya fariin culus oo damaanad qaad ah, kaasoo ku aadan wajiga cusub oo ay kula macaamili doonaan dowladda Soomaliya xiliyada soo socda.
Midowga Yurub ayaa waxaa kale oo uu sheegay, ka dib kulankii ay Madaxweynaha Soomaaliya la yeesheen in ay qaban qaabin doonaan dhawaan shir balaaran oo lagu qaabeynayo hanaanka cusub ee dalalka Yurub ee ku bahoobay midoowgan ay ku taakuleyn lahayeen hanaanka nabad galyo iyo dhaqaale ee Soomaaliya.
Barnaamijyadan cusub ee daah furka u noqonaya, xiriirka labada dhinac dalalka midowga Yurub iyo dalka Soomaaliya ayaa waxaa warfideynaka u faahfaahiyey madaxa midoowga Yurub Herman Van Ronpuy iyo Xoghayaha arimaha Siyaasadda Cathrine Ashton ka dib shir jaraa’d oo ay gooni gooni u wada qabteen iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib kulankaasi.
Talaabadan ayaa lagu waramayaa in ay tahay guulshii labaad ee ay dowladda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ay uga tilaabsatey dhinaca siyaasadda arimaha dibadda, iyadoo dhawaan ay dwoladda Mareykanku wadashaqeyn buuxda ay u damaano qaadey dhinaca Soomaalida, ka dib markii si buuxda loo soo celiyey xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya oo muddo dheer ragaadsanaa.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|