![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Marwooyinka madaxda dalka oo deeq gaarsiiyay naafada ku jirta isbitaalka Martiini
DECEMBER 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Marwooyinka Madaxda dalka ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho iyagoona naafada dagan Isbitaalka ay deeq u qeybiyeen. Booqashadan ay maanta ku tageen marwooyinka Madaxda Istbitaalka Martii oo ay kujiraan naafada ciidamada XDS ayaa waxaa hoggaamineysay marwada labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa marwooyinka guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya iyo R/wasaaraha. Marwooyinka madaxda dalka ayaa ujeedka kormeerkooda ahaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed oo ay ku nool yihiin naafadda ciidamada XSD ee dagan martiini. Markii ay tageen isbitaalka ayaa waxaa marwooyinka ku soo dhaweeyay agaasimaha isbitaalka Drs Caasha waxa ayna sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay booqashada ay maanta ku yimadeen marwooyinka madaxda Isbitaalka taasina ay tahay biloow wanaagsan. Xaaska R/wasaaraha Soomaaliya marwo Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ay gaarsiiyeen Isbitaalka deeq isugu jirto Hilib, Bariis, Caano iyo lacag ayna ugu tala galeen naafada kujirto Martiina. Sidoo kale Marwada Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya marwo Xaawo oo ka hadashay goobta ayaa tibaaxday in deeqda ay maanta gaarsiiyeen ayna noqon doonin deeqdii ugu dambeysay balse ay ku dadaalayaan sidii ay u caawin lahaayeen naafada. Ugu dambeyntiina waxaa madasha ka hadashay marwada labaad ee madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan waxa ayna xustay in u jeedada imaashahooda ay tahay sidii ay u ogaal lahaayeen xaaladda dadka dhibaateysan oo ay ku jiraan naafada Soomaaliyeed. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|