![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Howlgal lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo Muqdisho laga fuliyay
DECEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay in ka badan 10 qof oo qaarkood ay wateen dharka ciidamada ayey maanta ciidamada amaanka ka sameyeen qeybo ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir. Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida Qaranka ayaa waxa ay ka fuliyeen dagmooyin Dharkeynley, Daayniile iyo wadajir waxaana intii uu socday ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen 11 qof kuwaas oo qaar ka mid ah ay wateen tuutaha ciidanka iyo hub. Taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay habeenadii ugu dambeeyay ay wadeen howlgalka lagu ciribtinayo maleeshiyada kooxda shabaab iyo kuwa falalka amaanka ka dhanka ah ka wado gudaha magaalada Muqdisho. Ereg ayaa xusay in howlgalkan uu yahay mid lagu ciribtirayo maleeshiyada shabaab kuwaas oo caadeystay dhibaateynta shacabka ayna wadayaan ilaa dalka laga ciribtirayo haraadiga maleeshida shabaab. Ciidamada booliiska iyo nabad sugida ayaa habeen iyo maalin ka wado magaalada Muqdisho howlgal baraalan kuwaas oo lagula dagaalamayo haraadiga kooxda shabaab. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|