![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka Oo Maanta Ku Toogtay Degmada Afgooye Mid Ka Mid Ah Argigixisada
NOVEMBER 16, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka ayaa maanta toogasho ku dilay mid ka mid ah maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab kaasi oo isagu xalay dhaawac u geystay Askari ka tirsan Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed. Falkan lagu toogtay xubintaan ka mid ahaa Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo saakay ay Ciidammada Nabad Sugidda Qaranku howlgallo ka fuliyeen. Saraakiisha Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka ee ku sugan gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in ninkan la toogtay xiliga la tooganayey uu isku dayey inuu baxsado waxaana ay saraakiishu uga mahad celiyeen shacabka degmada Afgooye wadashaqeynta ay ciidammada la leeyihiin. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya toogasho ku dilaan xubin ka tirsan argigixisada Al-Shabaab waxaana falkan uu qeyb ka noqonayaa falal maalmihii ugu dambeeyey lagu dabar jarayey haraadiga kooxda awoodeeda la wiiqay ee Al-Shabaab. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|