![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada oo howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda
DECEMBER 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada dowladda ayaa howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay deegaanno hoostaga dagmada Wanloweyn ee gobalka Shabeelada Hoose. Iyadoo todobaadyadii la soo soo dhaafay ay si dar dar leh u socdeen howlgalada ay ciidamadu ku xaqiijinayaan ammaanka deegaanada ay dowladu maamusho ayaa hadana maamulka degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoosyimaada degmadaasi oo dad lagu soo qabqabtay. Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Wanloweyn oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee shalay ilaa xalay laga fuliyay degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda lagu soo qabqabtay ilaa 18 qofood kuwaas oo intooda badan lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin argagixisada Shabaab, halka kuwa kalena ay ku kaceen falal liddi ku ah amniga. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu taliyuhu intaa raaciyay in dadkaasi la qabtay la horgeyndoono sharciga qofkii dambi lagu waayana la sii deyndoono, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in amaanka degmadaasi uu soo hagaagayay wixii ka dambeeyay markii laga saaray maleeshiyaadka Shabaab oo ay la wareegeen ciidamada qalabka sida. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|