![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay wada isku xirta Muqdisho iyo Marka
JANUARY 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka iyadoo howlgaladaasina ay kor meerayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa intuu uu socday gacanta lagu soo dhigay ku dhowaad 20 ruux kuwaas oo laga soo qabtay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Marka waxaana howlgalka kormeerayay taliyaha ciidamada Milatariga, Taliyaha ciidamada Booliska agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo saraakil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda. dadkan la soo qabtay ayaa waxa ay iskugu jireen maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab, kooxo dhac ka geysta wadada u dhaxeeysa Muqdisho iyo Marka iyo kuwo kale oo logu soo qabtay in ay wadeen falal amaanka ka dhan ah. Taliyeyaasha ciidamad oo saakay ka ambaxay magaalada Muqdisho ayaa kormeeray deeganada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole, waxaana markii ay geereen dagmada Afgooye ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada ee ku sugan dagamadaasi. Dadkii lagu soo qabqabtay howlagalka ayaa waxaa la geeyay dagmada Afgooye waxaana haatan socoto maxkamadeynta dadkii lasoo qabtay kuwaas oo lagu eedeeyay falal kala duwan oo ay ka mid yihiin kufsi. Sidoo kale maxkamda ayaa sii daysay dad lagu soo qabtay howlgalo ay xaafadaha Afgooye ka fuliyiin ciidamada dowladda kuwaas oo lagu waayay dambi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|