![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada Qalabka sida oo howlaglo dheeraad ah ka wada Jowhar
DECEMBER 12, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada dowladda ayaa howlgallo dheeraad ah ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Jowhar, iyadoo ciidamadu ay howlgalkaasi ku qarxiyeen Miinooyin lagu aasay xaafado ka mid ah degmadaasi. Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab ayaa ciidamada qalabka sida waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in howlagalka ay wali ka wadaan gudaha degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo cidamadu intii ay howlgalka ku guda jireen ay qarxiyeen dhowr Miino oo ay maleeshiyaadki jabay ee shabaab ku aaseen gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale maamulka gobolka Sh/Dhexe ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool magaaladaasi, isagoo kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka iyo sidii looga qeybqaadan lahaa nadaafada loona soo celin lahaa bilicdii magaalada Jowhar. Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa markii ay ciidamadu ka xoreeyeen Shabaab waxa ay dareemeen neecaaw xornimo iyo dabeeyl caafimaad oon laxaw ku dheehneyn, mar haddii Jowhar laga saaray maleeshiyaadkii dhibaatada ba’an ku hayay. waxaa xusid mudan in magaalada Jowhar ay ka mid aheyd meelaha ugu daran ee maleeshiyaadkii jabay ay ka geysan jireen tacadiyada ugu daran ee lagula kaco dadka bani’aadamka ah, waxaana lagu arkayaa magaaladaasi godad ay ka godeen shabaabku oo ay dadka ku ciqaabi jireen, iyadoo wali ay magaaladaasi ka muuqdaan raadadka astaamo kale oo muujinaya dhibatada ay shacabka ku hayeen maleeshyaadkaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|