![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Isku Shaandheen Lagu Sameeyay Wasiir Ku Xigeeno Iyo Wasiiru Dowlayaal January 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - War saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaasna uu ansixiyey Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa lagu soo bandhigay isku shaandheyn lagu sameeyey Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya. Laga billaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo degreetaden waxaa loo magacaabay wasiiro dowlayaal iyo wasiiro ku xigeeno xukuumadda federaalka KMG ah ee J.S, waxaana wasiirada hoos ku qoran loo magacaabay wasiir walba wasaaradda ku hoos qoran magaciisa. 1 Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweyna. 2 Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha. 3 Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka. 4 Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga. 5 Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay’adda. 6 Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta. 7 Mudane Max’ed Cumar Max’ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka. 8 Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha. 9 Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre. 10 Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda. 11 Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska. 12 Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga. 13 Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta. 14 Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta. 15 Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta. 16 Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada. 17 Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. 18 Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|