|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Jaamacad cusub oo laga furay Muqdisho “sawirro”
DECEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad lagu furayay jaamacad cusub oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen macaliim iyo arday ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Xafladan xariga looga jarayay Jaamacadda cusub oo loogu magacdaray Imaam University ayaa waxaa furitaankeedii ka qeyb galay macaliimiinta wax ka dhigto jaamacadaha iyo iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa hadal ka jeediyay C/kariim Maxamed oo ku hadlayay magaca macalimiinta jaamacada Imaan University waxa uuna sheegay in muhiimada ay u aas aaseen Jaamacadan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shacabka Soomaaliyeed si ay uga maarmaan waxbarasho dalka dibadiisa ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda cusub ee Imaam Dr Xasan oo hadal ka jeediyay gaba gabadii xafladii lagu furayay jaamacadda ayaa uga mahadceliyay dadkii ka qeyb galay furitaanka Jaamacadda isagoona ku booriyay waalidiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan waxbarashada dhalinyarada.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhayay jaamacado cusub oo laga hirgalinayo iyadoona arintan ay muujineyso nabada iyo xasiloonida ka jirto caasimada dalka ee Muqdisho.












Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|