![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad lagu furayay Jaamacad cusub oo lagu qabtay Muqdisho JANUARY 7, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasadan oo aheyd mid xariga looga jarayay jaamacad cusub oo lagu magacaabo Jaamacada Caalamiga ah ee Soomaliya isla markaana ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay waaxda waxbarashada ee wasaaradda hormarinta adeega bulshada, gudoomiyaha degmada howlwadaag mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadaasi macalimiin ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaala gobolka Banaadir, culumaa’udiin iyo arday. Waxaana ugu horeyn munaasabadaasi ka hadalay agaasimaha guud ee waaxda waxbarasha wasaaradda hormarinta iyo adeega bulshada Muuse Faarax Xeyd oo sheegay in ay muhiim tahay in la furo jaamacad si loo kordhiyo aqoonta ardayda Soomaaliyeed jaamacadana looga baahan yahay in ay sare u qaado wax barashada si loo helo ardey tayo leh. Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay gudoomiyaha jaamacadsa caalamiga ah ee Soomaaliya Dr Ismaaciil Cali Saciid waxa uuna tilmaamay in jaamacadani ay tahay mid lagu soo saarayo arday cusub oo ka dhisan dhinaca wax barshada si ay ula jaan qaadaan ardayda kale ee caalamka. Jaamacadan Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka mid ah Jaamacadaha cusub ee waqtiyadii ugu dambeeyay laga hirgalinayo caasimada dalka ee Muqdisho waxa ayna noqoneysaa jaamacadan tii ugu horeysay ee la hirgaliyo sanadkan bilawga ah ee 2013-ka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|