![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxda Sare Ee Dalka Oo Muqdisho Ku Qaabilay Wufuud Ka Socotay Midowga Yurub
NOVEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wufuud ka socotay Midowga Yurub. Wafdigan ka socday Midowga Yurub oo ah Safiirrada Midowga Yurub u fadhiya dalal ka tirsan Afrika ayaa ugu horeyn waxa ay la kulmeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyeen Wasiirrada Warfaafinta,Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo sidoo kale Wasaaradda hormarinta iyo Adeegga Bulshada. Sidoo kale wafdigan Safiirrada ah ee ka socday Midowga Yurub waxaa dhankiisa xafiiska ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo ayadoo kulankaasina safiirrada ay ku muujiyeen in dalalka Midowga Yurub ay ka go’antahay xiligan iney si dhab ah u taageeraan Dowladda cusub ee Soomaaliya. Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu kulankaasi kadib shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay in imaanshaha wufuudan ay qeyb ka tahay sida ay caalamku xiligan muhiimad u siinayaan arrimaha Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyuhu xusay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya xiligan ay ka go’antahay iney ka faa’ideystaan fursadda la heysto oo si iskuduubni ah ay uga wada qeyb qaadanayaan dib u dhiska Dalka. Xubno u hadlay wafdigan Safiirrada ah ee ka socda Midowga Yurub ayaa iyaguna tilmaamay iney xiligan diyaar u yihiin iney ka taageeraan Soomaaliya dhanka hormarka waxaana imaanshaha wafdigan maanta ee magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay wufuud mudooyinkan si isdaba joog ah ku imaanayey Caasimadda Dalka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|