![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Jowhar oo ay ka muuqdaan raadadkii ay uga tageen Shabaab iyo dowladda oo soo celineysa adeegyadii bulshada
DECEMBER 11, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa weli ka muuqanaya raadadka dhibaatadii ay ka geysteen intii ay ku sugnaayeen kooxda al shabaab iyadoo maamulka dowladda ee Gobolkaasi ay sheegen in ay isbedal ka sameyn doonaan Gobolkaasi. Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka al shabaab ayaa waxaa ka muuqda raadadkii iyo dhibaatooyinkii kooxdaasi ay ku hayeen magaalada ka hor inta aan laga xoreyn. In kastoo magaalada ayna waxa dagaalo ah ka dhicin hadana muuqaal ahaan waxaad mooda magaalo lagu harmaday aad ayeyna u baaba’santahay sababta oo ah kooxda shabaab ayaa dhibaatooyin badan ku hayay shacabka kuwaas oo u diidanaa in ay maalgashadaan dhulka iyo in la sameeyo hormar. Dadka ku nool magalaada Jowhar waa dad aad u jecel nabadda iyo dowladnimada waxaana tusaale u ah shalay markii ay gaareen magaladaasi wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Gaashaandhiga iyo xubnihii la socday wax ay dhoobnaayen wadooyinka tan iyo intaa ay kasoo ambabaxayeen magaalada Jowhar iyaga oo ku faraxsan imaashiyaha wafdiga dowlada ee Jowhar. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay kulan uu wasiirka difaaca la qaatay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda si aminga loo xaqiijiyo. Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Jowhar ay kala kulmeen waxyaabo eynan kala kulmin dhamaan magaalooyinka ciidanka Xoogga ay la wareegeen taas oo ay ka mid tahay sida ay shacabka u soo dhaweyeen ciidammada iyo iney firxadkii cadawga u tilmaameen. Gudoomiyaha gobolka shabeelada dhexe Cabdi Jiinoow ayaa isna amaan u jeediyay ciidanka xooga iyo kuwa AMISOM ee gobolkaasi ka howlgala isaga oo cadeeyay in dhacdooyin lidi ku ah amniga oo ka dhacay gobollo kale aysan ka dhicin gobolka Sh/dhexe. Wasiirka wasaaradda difaaca dalka Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo dhankiisa hadal ka jeediyay kulanka ay la qaateen odayaasha ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhexeyso shacabka gobolka Sh/dhexe iyo ciidanka. Fiqi ayaa intaasi ku daray in qabsashada magaalada Jowhar ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka maadama ay tahay magaalo ku taalo bartamaha dalka, taas oo fududeyneyso qabsashada deegaanno badan oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda awoodooda la wiiqay ee Shabaab. Ugu dambeyn wasiirka Gaashaandhiga ayaa si adag uga digay in ay dhacaan dhibatooyin loo geeysto shacabka reer Jowhar isagoo carabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in ay soo baxaan kooxo ku labisan dareeska ciidanka oo isku daya in ay shacabka dhibaateeyaan. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|