![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka oo kulan la qaatay shaqaalaha dekadda Muqdisho
DECEMBER 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradaasi ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah shaqaalaha dekkada Muqdisho isagoona ku dhiira galiyay in ay si wanaagsan u gutaan waajibkooda, muxudiin Maxamed Kaalmoow wasiirka howlaha guud, dekkadaha iyo gaadiidka oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyo ayaa maanta kulan kula qaatay dekkada Muqdisho qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgala dekkada isagoona shaqaalaha ku amaanay sida wanaagsan oo ay u wadaan howsha dekkada. Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dekkadaha Mudane Muxudiin Axmed Kaalmoow oo ka hadlay gaba gabadi kulankii uu la qaatay qaar kamid ah shaqaalaha dekkada Muqdisho ayaa sheegay in waajib buuxa uu ka saaranyahay qof walba inuu hor mariyo dhaqaalaha dalkiisa tasina ay tahay sababta keentay in lagu kormeero shaqaalahada dekkada howsha ay dadka u hayaan, Maxamed Cusmaan Cali agaasimaha guud ee wasaaradda dekkadaha oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in dowladu ay abaal marin doonto dadka ka shaqeeya dekkada maadama ay guul ka gaareen wax soo saarka dhaqaalaha dalka oo iminka ku tiirsan dekkada iyo garoonka. Kulanka uu maanta la qaatay wasiirka dekkadaha gaadiidka iyo howlaha guud xubno kartirsan shaqaalaha dekkada ayaa u jeedadiisu waxa ay aheyd inuu ku kormeero shaqada ay hayaan kuna dhiira galiyo waxa uuna qeyb kayahay kulanka kulamada lagu balaarinayo howlaha wasaaradaha.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|