|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Dr. Kadare oo xaflad sagootin ah loogu sameeyay London “sawirro”
NOVEMBER 25, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay Dr. Xuseen Sheekh Axmed “Kaddare” oo dhawaan kaga qeybgalay magaalada London sanadguuradii 40-aad ee Qoraalka Afka Soomaaliga.
Xafladdan oo ka dhacay galbeedka magaalada London ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London oo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Xafladan ayaa waxaa hadallo qiimo leh ka jeediyay Guddoomiyihii ururkii dhallinyarada Kacaanka Soomaaliyeed Salaad Cusmaan Rooble, isaga oo xusay doorkii shariifka lahaa ee Dr. Xuseen Sheekh Axmed “Kaddare” uu ka galay taariikhda qoraalka afka Soomaaliga.
Sidoo kale waxaa hadal ka jeediyay Baaba Seydii Karaama & Ambassador Maxamed Axmed Caalin, Cali Shiino, Yaasiin Bulsho, Maxamed Afweyne, Suldaan Khaliif, Gen. Amiin Cabdi Muusse Maaxaay & xubno kale oo fara badan kuwaas oo dhamaantood amaan u soo jeediyay Dr Kaddare.
Dhinaca kale waxaa iyaguna hadalo ka soo jeediyay haween ay ka mid ahaayeen Xaliimo Maxamed Xallane iyo Maryan Jaceyl” oo ka mid ah haweenka sida weyn looga yaqaano magaalada London oo iyagana halkaasi ka soo jeediyay hadalo amaan u badan.
Dr. Xuseen Sheekh Axmed “Kaddare” oo goobta ka hadlay ayaa mahadcelin ka dib ku dheeraaday halgankii loo soo maray in ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan af qoran oo suga jiritaanka ummadnimo sida ummadaha kale ee ku dhaqan caalamka dushiisa, sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in ubadka Soomaaliyeed la baro afka Soomaaliga.






Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|