91.9FM Codka Beesha

Home

Difaaca Somalilan

Jan,10.2004 Radio Free Somali (RFS)

Somaliland Guul - Somaliland Guul - Somaliland Guul

Beryahan waxaa soo batay cadowga Somaliland oo odhanaya Somaliland ayaa gabar yadh hidhay oo ma ilaaliyaan xuquuqda aadamiga oo yaa annaga ilaaliyey xaquuqdeenii markii sidaas laynoo gelayey?

Waxay yiraahdaan Somaliland maqaayadaha iyo goobaha madadaalada waxaa lagu caayaa Hawiya iyo Daarood oo loogu yeero faqash. Dee inkastoo Daarood yahay faqash naaneys ee haddana ma haboona in qofna la caayo ama qabiil dhan. Haddii dad wax makas ah daarood caayaan dee looma saari karo Somaliland oo dhanbaa sidaas ah. Waxa daaroodka caayaa waa doqonta iyo wax ma garadka eeinta aqoonta leh ma caayaan. Somaliland waxaa ka buuxa dad aqoon leh oo qadariya soomaalinimada iyo islaamnimada oo aan u ogolayn in afkooda ka soo baxdo faqash iyo wax la mid ah waayo waa doqonimo.

Somaaliland ma necba reer koofureedka mana tarxiilaan ogaadeena amxaaro umadhiibayaan waayo sidee u samaynayaan waaba walaalahoodee. Haddii qalad dhaco waxaa iska leh xukuumada Riyaale ee looma saari karo Somaliland. Riyaale maxkamad baa dooratay ee annagu shacabka Soomaaliland Siilaanyo ayaan dooranay marka qaladka Riyaale yaanan dusha nalaka saarin.

Somaliland hadaanu nahay ma aaminsanin in qof Soomaali ah laga tarxiilo Soomaaliland haddii qalad la sameeye waxaa iska leh xukuumadda Riyaale Soomaaliland yaanan la eedeyn, raali kama nihin liiska Soomaalida lagu dhibo ee argagixisada ee lagu sheegaa gegooyinka diyaaradaha haddii ay jiraan waa qala
d xukuumada Riyaale ayaa mas’uuliyadeeda qaadaysa.

Soomaaliland waa dad go’aansaday inay qaranimadoodii 1960kii soo ceshadaan oo ah dawlad madax banaan laakiin soomaalinimada kama bixin mana ka bixi doona. Siyaasad ayuunbaan ku kala tagnay ee walaatinimadayada waa halkeedii.Walaalaheen Somalia ha nagu daalina ma soo socono laakiin idinma necbin. Wixii qalad dhacay dhexdeena dawlad ayaa u sabab ahayd ee shacbiga ma eedeyn mayno.

Xuduud Soomaaliland ee la xiraa ma jidho waayo Somaliland waa la yaqaan hadda lama cabirayo. Baarlamaanka indhaha la’ iyo xukuumadda Riyaale ayey ka soo baxday qaladka ama ceebta ah xuduuda hala xiro ee shacabka reer Somaliland ma qabaan, shacabka reer Soomaaliland waa shacab nabadda jecel iyo deris wanaagga Soomaalida. Siyaasiyiin reer sool ah ayaa raba inay awrka ku kacsadaan Riyaale ee ma ahan Somaliland. Somaliland dagaal dooni mayso xuduudna xiri mayso ee waa Riyaale oo raba inuu doorashada markasta dib u dhigosi uu u yiraahdo xaalad deg deg ayaa lagu jiraa oo Puntland baa na soo weerartay. Somaaliland waa barwaaqo nabad iyo wanaag iyo horumar.

Idinkaba waad qabtaan maan gaab ama wax ha qoro ama meediya haka shaqeeyo ama dantiisa ha u cararo oo dadka kala dila. Idinkuba waad qabtaan maan gaab Somaliland caaya ee ogaada. Maamulka Riyaale waan ku ognahay communication xumida laakiin shacabka reer Somaliland waa wallaalihiin weligoodna way ahaan doonaan.

Qof jaahil ah oo reer Somaliland ah haddii uu caayo daarood ama hawiye yaanla iksu kaaya jamcin. Waxaan leenahay dad noockasta sidiinoo kale Riyaale iyo anaka nakala saara waayo qaladaadka Riyaale hanoo qabanina walaalayaal.

Somaliland waa dhulkaygii Somaliland waa dhulkaygii

Soomaaliland guul

Kayse Qawdhan Qarboosh

qarboosh99@yahoo.com
Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com