![]() |
![]() |
| Home |
|
|
Marhadii uu qaad igu bargo’o sharciga Minnesota maxaa iiga gidhiish ah. Jan,16.2004 Radio Free Somali (RFS) Waraf iyo shimbiro war isuma hayaan. Nin marqaan u bartay iyo taqsiin wax ka xaaraan ah ma jiro xalkiisana waa inuu qayilaa markasta oo uu u baahdaa.Ragow barasho! waxaanu nahay naftooda hurayaal geesi ah oo faraha looga gubtay. Haddaanu nahay dadka qayila dawladdii Somaliya annagaa ridnay ka dib markiiay naga gardarootay. 1983 annagoon cidna wax u dhiman ayey kuwa wadaado ku sheeg ah ka dhaadhiciyeen Siyad Barre in qaadku wax xun yahay markaasuu bilaabay inuu na xir xiro marqaankana na seejiyo maba oga inaan marqaan u nool nahay oo haddii qaad la waayo Soomaaliya nabad laga waayayo. Wuxuu sameeyey ciidan gaar ah oo qaadka ilaaliya sidii ayagoo wax naga qaadi kara. Waxaa uu u bixiyey dhabar jebin … kax kax kax asagiibaan dhabarka ka jabinay. Nin gardaran ma guulaysto. Xaqii baa dilaacay. xaqeena in la duudsiyo yeeli mayno.
Qaadka in la helaa iyo dhaqaalaha wadanka iyo ammaanka waa isku xiran yihiin.Qaadkii xoog baanu ku fasaxnay dawladiisana annagaa oo kaashanayno jabhado ayaan ridnay. Hadda xor baan nahay oo sidaan doono ayaan u cunaa. Cumar Gelle iyo Riyaalena waaba asxaabteen. Yaanan nalaku qaldamin caalamka oo dhan gudo iyo dibaddaba saaxiibo ayaan ku leenahay.
Qaadka fir fircooni iyo caafimaadbaa laga helaa. Qaadka waa quud awliyo. Qaadka lama xakamayn karo waayo dadka Soomaalida ugu firfircoon baa cuna. Qaadka reeraha Soomaalida badankood ayuu biilaa. Qaadka ganacsiga ayuu furfuraa. Qaadka waa dhaqanka Soomaaliyeed waana in lagu faanaa. Qaadku waa khudrad. Gogosha ayuu qurxiyaa oo waa fadhi gobeed. Qaadku waa haasaawe wanaajiye dhaqankana ilaaliya. Prof essorada Minnesota ka soo qaylinayow warmoogayaal qaadka lama xakamayn karo xataa ciidamada maraykanka u sheega ha is daalinina hortiinaa la keri waayey qaad iyo qaad wadayaalba. Dawladdiina u naxa. Qaadka waa shay madax banaan. Diniin ku socota DFKG ee Soomaaliya. Abdilahi Yusuf/Gedi/Shariif/baarlamaa nka/wasiirada. Masaakiin baad tihiina ha isku kaaya taagina haddii kale haddii kale haddii kale…………..
Haddaad amaan rabtaan iyo inay wax idiin hagaagaan qaadka iyo qayilayaasha ha isku taabanina Faraha hanala soo gelina haddii aad far na saartaan shan farood ayaan idin saareynaa ku tusaale qaata meeshii aan marinay Siyad Barre. Ma naxno mana gabo gacateenana meel dheer ayey gaartaa. Dawladii malageedada galay ayaa isku kaaya taataabata. Ninkuu digay kuma dilin yaan nalaka gardaraan. Kibirka waa lagu kufaa.Ceesaantii mas iyo good madax shabeel leeftaa malageedibaa galayee.Warhooy warmaad naga tagtaan nama taqaaniinee war hooy Afhayeenkaad
qa cunayaasha marqaansan. Kayse Qawdhan Qarboosh qarboosh99@yahoo.com ![]()
|
|
![]() |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
|
![]() |