![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dowlada Kenya oo ku amartay qaxootiga Soomaalida ah in ay tagaan xerada qaxootiga Dhadhaab DECEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dowlad Kenya ayaa soo saartay amar ku wajahan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda kaas oo ah in dhamaan Soomaalida ku nool dalkaasi ay iska xaadiriyaan xerada qaxootiga ee Dhadhaab. Amarkan ay soo saartay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi ay iska xaadiriyaan xerada Qaxootiga Dhadhaab oo Boqol kiilo mitir u jirta xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya. Dadka kale ee ajnabi ah ee ku nool dalkaasi ayaa lagu amray in ay iska xaadiriyaan xerada qaxootiga Kakuma oo Boqol miilo mitir u jirta xadka Kenya ay la wadaagto dalka Konfurta Sudan. Sii hayaha xilka gudoomiyaha xiriirka qaxootiga Kenya Bady Acula ayaa shaaciyay in aan la diiwaangelindoonin qaxooti kale oo soo gala Kenya, iyadoo ciidamada Kenyana ay howlgalo lagu qabqabanayo dadka ajnabiga ah ka bilaabeen magaalooyinka . Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|