|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya cambaareeyay dhibaatooyin Ciidamada Kenya ka geysteen Gaarisa
NOVEMBER 20, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatooyin Ciidamada Kenya ka geysteen magaalada Gaarisa, kadib markii shalay lagu dilay saddex askari.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Ciidamada inay jirdil, xarig iyo boob kula dhaqaaqeen dadka, isagoo ku baaqay in si deg deg ah ciidamada looga soo saaro.
"Markiiba waxaan qabanay shir deg deg ah, ciidamada waxay ku kaceen dhibaateyn, waxaa amarnay in laga soo saaro, tallaabo culus ayaana ka qaadi doonaa"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji oo ka soo jeeda magaaladaas.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in guryo la bililqeystay, qaarna la gubay, iyadoo xalay uu dab qabsaday Suuq Mugdi ah suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa.
Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in sharciga la horkeenayo cid walba oo ka dambeysa dhibaatadaas, isla markaana aan looga hari doonin.
Masaajidada ayaan xalay wax salaad ah laga dukan, iyadoo mid ka mid ah masaajidada Gaarisa dad ku dukanayay lagala baxay.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay saddex askari lagu dilay Gaarisa, xilli gaari ay hagaajisanayeen, waxaana dabley hubeysan oo aan la aqoon la sheegay inay gaadmo ku dileen.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|