![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Uhuru Kenyata: "Marka loo eego wixii ka dhacay xeebaha Lamu Kenya way ku khasban tahay inay is difaacdo" January 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - K/Xigeenka Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Kenya ahna Wasiirka Maaliyadda Mr. Uhuru Kenyata oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka dowladiisu ka waddo gudaha wadanka ay deriska yihiin ee Soomaaliya oo ay kula dagaalameyso ururka Al-Shabaab, isagoona sheegay in dagaalkaasi dhaqaalaha ku baxaya laga qaado canshuurta ay bixiyaan shacabka wadanka Kenya. Mr. Huru Kenyata waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay ku khasban tahay dagaalka ay ka waddo gudaha wadanka Soomaaliya, waayo buu yiri Kenya waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka helaan dalxiiska, markaa waa inay difaacaan ishaas muhiimka ah. "Marka loo eego wixii ka dhacay xeebaha Lamu Kenya way ku khasban tahay inay is difaacdo" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dowladda Kenya oo sheegay inay Midowga Afrika iyo QM taageero uga heleen dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay ku guuleysteen yareynta kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay ka wadaan xeebaha badweynta Hindiya, wuxuuna sheegay in ciidamada Kenya ay dagaallo iyo weerar ku qaadeen kooxaha burcad badeeda ee ka soo tallaabay biyaha Soomaaliya una soo gudbay xeebaha wadanka Kenya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|