Codka Beesha

 



 

Kooxdii John Kerry u ololaynaysay oo sababtay amuurta tarxiilka Soomaali badan

Jan,24.2005 Radio Free Somali (RFS)


Kolkii uu socday ololaha doorashada USA waxaa state of Minnesota ka soo dhex baxay koox Soomaali ah oo u ololeeyay Kerry ayagoo dan moodey. Kooxdaasi waxaa ay sameeyeen qaylo dheer waxaana ay ka qayb galeen shirar badan weliba waxaa ay ka muuqdeen media badan oo local ah. Haddaba doorashadii dhamaatay oo waxaa ku guulaystay George W. Bush oo shalay caano lagu daadiyey/caleemo saar 4 more years.

Intii uu guulaystay ilaa hadda waxaa ay dawladda USA ku dhawaaqday in la tarxiili doono Soomaali badan. Qiyaasta dadkaasi ayaa mararka qaar lagu sheegaa 8,000 oo qof raca horena waxaa lagu sheegaa in Minnesota keliya laga tarxiili doono in ka badan 400 oo Somaali ah. Inkastoo aanan weli la arag marag toos isugu xiraysa qaylada dheer ee kooxdan rabtay in Bush laga adkaado iyo tarxiilka Soomaalida haddana waxaa la ogyahay in Bush uusan cafin qofkii mar ka horyimaado ha ahaado UN ama Europe ama liberal amd demoqraadi.

Xattaa Supreme Courtigii ayaa xukuntay in Soomaalida la tarxiili karo. Suaashu waa:

Why Somalis ? why now?

Dad badan oo reer Minnesota ah ayaa eedeynaya kooxdaas ayagoo ka wel welsan tarxiilka xilli dawladdii Soomaaliya iyo madaxweynaheediiba ka baqayaan inay Xamar tagaan oo ilaa hadda ku laaban la. Sidoo kale waqtigan oo xamar ay joogaan kooxo soo qufay qabuuraha lafihii talyaaniga ku aasnaa ka sabaan ka sabaan. Lafahaas oo kordhiyey cabsidii laga qabay kooxaha hubaysan ee jooga xamar. Galbeedka waxaa jira fikrad ay dadka caddaanka qaarkood ka qabaan qaxootiga ka soo jeeda Africa oo ah masaakiintii Africa ku noolan weysey ee soo cararay. Macnaha Africa waxaa ay u arkaan in nin nahaab ah oo wax booba ama wax dila ama yaqaan habka laaluushka oo keliya ku noolaan karo. Waxaa kale oo ay ka qabaan meel gaajo taalo oo cadka soorta iyo dawladnimadaba la isku dilo oo uu ka socdo ninkii xooglihi kaan xoog lahayn ha cuno (rule of the jangle)

Mar aan weydiiyey qof Soomaaliya safar kaga soo laabtay sida masaakiinta u nool yihiin Soomaaliya waxaa uu iigu jawaabay waa inay tuuksadaan waayo dawlad daryeesho ma leh ganacsiga iyo shaqooyinka oo dhan waa inaad leeman isku xiri kartaa oo aad taqaanaa habka laaluushka dekadaha ama airporada ama aad heli kartaa malitia ama aad taqaanaa sida loo dheelo dheesha qabiilka shaxaadka, beenta, qishka, dhaca, turuufa toore nimada, waa meel adag in qof maskiin ah la qabsado ama horumar ka gaadho oo maahan galbeedka oo kale meel qof maskiin ah horumar gaari karo nahaabkana xabsi gelayo. Cadaalada iyo xuquuqal insaanka waa meel aan wax ilaaliyaa jirin oo xataa maxkamadaha islaamiga ay ciqaabaan maskiinka mana taabtaan warlordska iyo kooxaha ama qabiilooyinka hubaysan.

Waxaan shaki ku jirin haddii Soomaali badan qurbaha laga tarxiilo inay Soomaaliya ka faa’iideysan doonto waayo ma ogolaan doonaan ugu yaraan in gaadiidka dadweynaha la isku dilo ileyn sida safka loo galo ayey barteene. Mana ugu yeeri doonaan qof curyaan meesha uu la yahay. Mana yasi doonaan qof kale oo walaalkood ah qabiilna kuma faani doonaan. Wadaniyiin ayey noqon doonaan waayo waxaa la soo baray qiimaha wadanka marka la soo tarxiiley.

Haddii lagu soo tarxiilo ha baqin waayo irzaaqda iyo amaanka Ilaah ayaa bixiya waxaa laga yaabaa inaad ka raysato meesha lagaa tarxiiley oo aad Soomaalidana wax tarto.


Maxamed Korwaayeel
Somali Activist

korwaayeel@yahoo.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.