Codka Beesha

 



 

Booliiska Minnesota oo bilaabay inay Somaalida xanjo calalaysa dariiqyada ku joojiyaan qaad raadin awgeed.

Jan,31.2005 Radio Free Somali (RFS)

Stop. Stop. Stop. Do not move. What is in your mouth? Show me Show me
.

Ereyadan ayaa maqlay buu yiri Saalax Axmed oo ay arrintani qabsatay. Waxaa kale oo uu yiri aad ayaan u argagaxay markii anigoo wadada Franklin maraya toosh la igu ifiyey baabuurka booliiska oo si kedis ah hortayda loo joojiyey kaasoo nalalkiisa wac wac leh indhaha iga qabteen. Waxaase ka sii darnaa markii baabuur gurmad ah oo booliis meesha yimaadeen si dhaqso ah. Naftayda ayaan la hadaly oo waxaan is iri buu yiri Saalax ma qof kaloo la raadinayey ayaa la i muuday oo la igu qalday? Meesha kolay wax weyn baa ka socdee Eebow fududee.

Afar booliis ah oo midi dumar tahay ayaa i hareereeyey. Waxaa la i yiri magacaa? Maxaa afka kuugu jira na tus. Afka kala qaad. Tuf. Waxaa la iga helay xanjo waxaa la i yiri Salax raali ahow. Inaad qaad cunayso ayaan ku moodnay. Waxaan ku iri buu yiri Saalax weligay qaad ma cunin waxaa la iweydiiyey meel lagu gado qaad ma taqaanaa? Maya ayaan ku iri ayuu yiri Saalax.

Dhacdadan Saalax gooni kuma aha ee waxay ku dhacdaa Soomaali badan ka dib markii ay booliiska u suurto gashay inay hore u qabtaan Soomaali baabuur wadata ama lugaynaysa oo qaad laga helay afkooda ama boorsooyinkooda. Waxaa la werinayaa in haddii ay qof qaad ku helaan ay heshiis la galaan oo ah “waa
n ku siideynaynaa haddii aad noo sheegtid meesha aad kasoo gadatay”

Gobolka Minnesota oo ah meel Soomaali aad u badan degan tahay ayaa qaadka laga mamnuucay hase yeeshee qaad iyo Soomaali waa ul iyo diirkeed oo aanan kala harayn. Soomaali badan maba oga weli in qaadka lagu daray liiska daroogada. Booliiska gobolka inkastoo ay ku wareersan yihiin haddana waxaa ka muuqata go’an adag iyo inay qaadka ka joojiyaam Minnesota ayagoo ku daba jira kuwa keena iyo kuwa gadaba.



Maxamed Korwaayeel
Somali Activist

korwaayeel@yahoo.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.