![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ardayda Gobolka Banaadir Iyo Ardayda Gobollada Oo Kulan Maanta Muqdisho Ku Yeeshay JANUARY 4, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ardayda Gobolka Banaadir iyo arday ka kala socota gobollada Dalka qaarkood ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Ardayda gobolka Banaadir iyo Ardayda gobollada Dalka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee SSU waxaana ay Ardayda uga hadleen sanadka cusub ee la galay marxaladaha wadanka kusoo aadan iyo doorka ay Ardaydu ku yeelan karaan. Maxamed C/laahi Maxamed Gudoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa wax lagu farxo waxa uu ku tilmaamay in intaan oo Arday ah ay kulanka soo xaadiraan ayaga oo Aayahooda ka tashanaya, ugu horeynna kulankan isku bartay. Sidoo kale qaar ka mid ah Ardayda ka timid gobollada Dalka oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay iney aad ugu farax sanyihiin kasoo qeybgalka kulammada ceynkan ee iyaga lagu marti qaaday maadaama ay fursad u heleen iney la tashadaan ama fikir is dhaafsadaan walaalahooda Ardayda la ah. Waa markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay Ardayda gobolka Banaadir iyo Ardayda gobollada Dalka qaarkood yeeshaan kulammo ceynkan ah waxaana uu kulankan imaanayaa xili mudooyinkii ugu dambeeyey ay muuqanayeen isku dayo ay Ardayda Soomaaliyeed ku doonayaan iney uga qeyb qaataan kaalintooda ku aadan hormarka Dalkooda. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|