|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ay uga hadlayaan Miisaanada sanadka 2013 ku leh Xarunta Golaha shacabka
NOVEMBER 25, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilligan kulan ku leh Xarunta golaha shacabka, iyadoo ay uga doodayaan miisaaniyada sanadka 2013-da, kaasoo ay soo diyaarin doonto xukuumada Soomaaliya.
Gudi loo xil saaray arrimaha miisaaniyada ayaa su'aalo lagu weydiinayaa, iyadoo dooda ay sii socon doonta, kadibna lagu wado in Xildhibaanada baarlamaanka maalmaha soo socda ay cod u qaadaan.
Miisaaniyada ayaa ku jirta qarasha sanadkii ku baxaya Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya in ka badan 14-milyan doolarka Mareykanka, waxaana bishiiba Baarlamaanka ku baxaya ilaa Hal Milyan.
Kulanka ayaa laga dalbaday in saxaafada banaanka loo saaro, iyadoo mas'uuliyiin ka socda Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha su'aalo lagu weydiinayo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka lahaa xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo afarta sano, iyadoo dhowr cutub ka dooday, kaasoo dhowaan la filayo inay ansixiyaan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|