![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Kulankii Baarlamanka oo furmay iyadoo lagu wado in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha JANUARY 7, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ku leh xarunta golaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaana kulankan uu yahay kulankii ugu dambeeyay ee kala fadhiga koowaad ee baarlamanka. Kala fadhiga koowaad fadhigiisa 46 ee mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 153 mudane waxaana ajandaha kulanka uu yahay soo gudbinta gudiyada joogta ah iyo magacyadooda waxaana shir guddoominayo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”. Sidoo kale kulanka ayaa waxa uu yahay kala warqaadasho waxyaabihii qabsoomay mudada afarta bilood ah oo ay jiro dowladda Soomaaliya. Kulanka lagu soo afjarayo kala fadhiga koowaad ee baarlamanka ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekah Maxamuud iyo R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” si ay uga qeyb galaan gaba gabada xiritaanka fadhiga koowaad ee baarlamanka Soomaaliya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|