![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Mas’uuliyiinta gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo kulan ku yeeshay Deegaanka Beer Gadiid
JANUARY 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray deegaan lagu magaacabo Beer Gadiid halkaasi oo wadahadalo Amaanka lagu hormarinayo ay kuwada yeesheen masuuliyiin ka socotay gobalka Galgaduud oo iyaguna islamaanta deegaankaasi gaaray. Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolkaasi ayaa maanta kulan kula qaatay deegaanka Beer gadiid mas’uuliyiin ka socotay gobolka Galgaduud kaas oo uu horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga maamulkaasi iyo Odayaasha dhaqanka. Kulankii ay qaateen xubnaha ka socday labada maamulal ayaa waxaa looga hadlay sidii la iska kaashan lahaa amaanka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana kulanka goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa isku raacay in si wadjir ah loo sugo amaanka labada gobol maadama ay yihiin gobollo isku dhagan, waxaana sidoo kale kulanka lagu go’aamiyay sidii wax looga qaban lahaa kooxo hubeysan oo falal kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolladaasi. Qaar ka mid ah odayaashii ka qeyb galay ayaa ugu baaqay labada maamul in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan sugid amaanka iyo hormarinta adeegga bulshada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|