![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo gobolka oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay ciyaar Mahrajaan ah
DECEMBER 31, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasab lagu soo bandhigayay cayaar muharajaan sanadle ah oo ay soo bandhigayeen agoon Soomaaliyeed oo ay gacanta kuheyso Hay’adda Qatar Charity kuwaas oo ah carruur agoon ah oo afarabadan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Cayaartan muharajaanka ah oo ay kaqeybqaadanayeen inkabadan 1100 carruur ah ayaa waxaa ka Qeybgalay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan,” wasiir kuxigeenka wasaaradda horumarinta adeega bulshada Bashiir Maxamed Jaamac iyo Mudanayaal katirsan Baarlamanka Soomaaliya. Carruurtan agoonta ah ayaa soo bandhigay cayaaro kala duwan haba ugu badnaadaan hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo muujiyay sida ay dhalinyaradu diyaar ugu yihiin islamarkaan uyihiin awood qarsoon oo uu dalku leeyahay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay waxa aad loogu farxo ay tahay in dhalintan ay helaan waxbarasho si ay wadankooda wax utaraan islamarkaan uga faa’iideystaan deeqda Hay’adda Qatar Charity waxa uuna xusay sida ay lagama maarmaan utahay in dhalinta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho si eysan qeyb uga noqon colaadaha. Sidoo kale wasiir kuxigeenka adeega Bulshad ayaa tilmaamay in dowladu ay qorsheyneyso sidii loo kordhinlahaa goobaha lagu xanaaneeyo dhalinta agoonta ah looguna dadaalilahaa waxbarashada jiilka soo koraya oo ah madaxdii berito. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|