![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Golaha wasiirrada oo kulan ku yeeshay Muqdisho kana dooday xaaladda amaan ee dalka
JANUARY 7, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka dooday xaaladaha amaanka ee dalka iyagoo sidoo kale gorshe cusub oo ku saabsan xadeynta laba wado oo isku xiridoonta Soomaaliya iyo dalalka Deriska ah. Shirkii Golaha wasiirrad ee ay maanta caasimadda ku yeesheen waxa uu ku saabsanaa laba qodob oo dhinaca amniga iyo sidoo kale go’aan laga soo saaray waddooyin oo uu urur gobolleedka IGAD ugu deeqay Soomaaliya in ay ka hirgaliyaan, waxaana shir guddoominyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Dalxiis ayaa warfidiyeennad la hadlay dhammaadka shirka golaha wasiirrada kaddib, waxa uun faah faahin ka bixiyey muhiimaddii shirka, isagoo xusay in goluhu ay diirradda saareen wax ka qabashada ammaanka caasimadda go’aanana ay ka soo saareen, isagoo intaa raaciyey in iyana go’aan laga gaaray waddooyin xuduudo ah oo IGAD ay Soomaaliya ugu talagashay. Sidoo kale wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Golaha ay ka hadleen sidii loo soo afmeeri lahaa Boqolka maalmood ee ay Xukuumadda sheegtay in waxqabad muuqda ay ku soo bandhigeyso, arrintaasin guddi wasiirro ay ku jiraan loo xil saaray, si qorshe loogu sameeyo qaabka loo wajahayo u soo bandhiggidda shacabka waxyaabihii ay qabatay Xukuumadda Soomaaliya. Shirkan oo Todobaadkii laba maalmood ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa ah mid lagu kala war qaato si ay golaha wasiirrada u soo gudbiyeen siyaasadda xiisaha leh ee ay daneneyso Bulshada, waxaana shirkii maanta ku jiray go’aanno muhiim ah. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|