![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Shir Ay Leeyihiin Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Amniga Dalka Oo Muqdisho Ka Furmay
February 1, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Shir ay leeyihiin guddiga isku dhefka ah ee amaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho iyada oo furitaanka shirkaasina ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ku simaha Ra’iisulwasaaraha. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay ku simaha R/wasaaraha ahna ahna wasiirka Gaashaandhigga mudane Xuseen Carab Ciise. Taliyayaasha ciidamada, xubno ka ka socday maamullada goboleedyada, ahlusunna, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo xubno kale oo ka kala socday Midowga Yurub iyo A.U. Shirka ayaa looga hadlayaa arimo la xiriira amaanka dalka, iyadoo kulanku uu yahay mid ay albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu dibadda ka joogto, waxaana la filayaa in kulankan la soo gebagebeeyo galabnimada maanta.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|