![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad Lagu Taageerayey Nabadda Iyo Is Dhexgalka Bulshada Oo Lagu Qabtay Degmada C/casiis
JANUARY 4, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayey Nabadda iyo is dhexgalka Bulshada ayaa maanta lagu qabtay degmada C/casiis ee gobolka Banaadir. Munaasabadda oo uusoo qaban qaabiyey maamulka degmada C/casiis ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Banaadir,Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkood,saraakiil dhanka ciidammada ah,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. C/laahi Xasan Xuseen Gudoomiyaha Degmada C/casiis oo ugu horeyn Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay hormarka degmada ka jira ee ay uga talaabsatay dhinacyada bilicda iyo hormarka waxaana uu Gudoomiyuhu xusay in hormarka degmada C/casiis ka jira ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka degmada ayaga oo ku dhaqaaqay talooyinkii Duqa magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dekeddaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ammaanay hormarka dhanka bilicda iyo nadaafadda ah ee ka jira degmada C/casiis waxaana uu ku booriyey maamulka iyo shacabka degmadaasi iney sii wadaan iskaashigooda. Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa bogaadiyey hormarka dhinacyada bilicda iyo dib u dhiska ah ee ka muuqda degmada C/casiis waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir fariin dadka weli ku haminaya iney heystaan guryaha aysan laheyn maadaama xiligan ay cid walba dib ugusoo laabaneyso Dalka. Munaasabadan ka dhacday degmada C/casiis ayaa qeyb ka ah munaasabaddo ay maamullada degmooyinku ku taageerayaan nabadda iyo is dhexgalka Bulshada kuwaasi oo mudooyinkan lagu qabanayey degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|