![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha oo kulan qado sharaf ah la leh dhigiisa dalka Jabuuti
NOVEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta ka qeyb galaya kulan qado sharaf ah oo uu usameeyay dhigiisa dalkaasi isagoo kormeer kutagay dekkada magaalada jabuuti iyo xarunta safaaradda Soomaaliya ee wadankaasi halkaas oo uu dayactirkeedu soo gabagaboobay. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shalay ku tagay dalka Jabuuti isaga iyo wafi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo kormeeray dekkada magaalada Jabuuti, safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, xarunta baaleyga loo yaqaano oo ay ku taala taalo lagu xasuusto halgameyaashi dalka Jabuuti iyo goobo kale. Mudane Xasan Sheekh ayaa dekkada Jabuuti kula kulmay mas’uuliyiinta gacanta ku haysa waxaana madaxweynaha warbixinno ka siiyeen qaabkii ay u hormariyeen dekkadaha dalka Jabuuti. Prof Xasan Sheekh ayaa xariga kajaray safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti halkaas oo ay ka socotay dhismo dib loogu dayactirayo waxaana munaasabadii xarig jarista kadib hadal uu jeediyay madaxweynaha uu sheegay in loo baahanyahay in gacanta la is qabsado isla markaana la qaato talooyinka ay soo jeediyaan shacabka iyo madaxda reer Jabuuti. Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Jabuuti ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay hadaladii uu ka jeediyay xarunta safaarada Soomaaliya ee Jabuuti waxa uuna safiirka madaxweynaha ugu baaqay in uu sii wado dadaalada hormarineed ee dalka. Xasan Sheekh madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan xarunta madaxtooyada Jabuuti halkaas oo uu kulan qado sharaf ah kula leeyahay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaacliil Cumar Geelle.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|