![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha oo kulan la qaatay wafdigii heerka wasiir ee tagay Kismaayo
DECEMBER 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiintii booqashada ku tagtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha wafdigii ka socday dowladda ee tagay Kismaayo ayaa waxa uu ahaa mid ay ku kala warqaadanayeen mas’uuliyiintii tagtay magaalada Kismaayo kuwaas oo kulan la qaatay maamulka KMG ah, Odayaasha dhaqanka iyo shacabka ku dhaqan Kismaayo. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa R/wasaaraha dalka, wasiirka wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka wasaaradda difaaca dalka, wasiirka cadaalada Owqaafta iyo arrimaha diinta, xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa madaxweynaha uga warbixiyay kulamadii ay la qaateen maamulka KMG ah ee ka jiro kismaayo iyo Odayaasha dhaqanka waxa uuna wasiirka xusay in kulankooda uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarada. Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa madaxweynaha u sheegay in ay booqdeen goobo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid tahay dekada Kismaayo iyo Isbitaalka waxa uuna xusay in Isbitaalka ay ka jirto duruuf adag. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay wafdigii sida wanaagsan oo ay ugu kuurgaleen xaalada magaalada iyo nolosha shacabka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in dowladu ay wado qorshe ku aadan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka. Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mahad celin u soo jeediyay xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda warfaafinta taas oo magaalada Kismaayo ka hirgalisay Idaacada FM ah oo laga dhageysanayo Radio Muqdisho si shacabka looga wacigaliyo. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|