|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasaarada A. dibada Somalia oo is bedel ku sameyneyso Waaxyaha Wasaarada iyo Safaaradaha Dibada+Sawirro
NOVEMBER 25, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay is bedel ku sameyneyso waaxyaha wasaarada iyo Safiirada Soomaaliya u fadhiya Caalamka, kadib kulan isbarasho ah oo ay la yeelatay shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada.
Kulankan oo dhacay shalay oo Sabti aheyd ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibada, Agaasimayaasha waaxyaha iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada, iyadoo la isku weydaarsaday fikrado iyo talooyin.
Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in dib u qaabeyn ay ku sameyn doonto qaab dhismeedka maamul ee waaxyaha wasaaradda oo ka kooban 11 waaxood iyo sidoo kale safaaradaha dibadda , iyadoo isbadalka cusub ee Wasaaraddu ay hiigsan doonto uu barbar socon doono qorshe lagu horumarinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda , laguna dar-dar gelinayo maqaamka dowladnimo ee Soomaaliya ee caalamka.
Wasiirka oo la tashiyo la sameyn doonta Agaasimaha Guud , Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Guddi Diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa waxa ay u howlgali doontaa diyaarinta qaabka la iskugu dheeli tiri karo Waaxyada Wasaaradda iyo sidoo kale Safaaradaha , si ay u suura gasho dhismaha shabakad isku xiran oo wada shaqeyn joogta ah ay ka dhaxeyso oo gudaha iyo dibadda ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ah Wasaaradda ugu xilsaaran dowladda Federaalka gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda , dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa waxa ay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya , si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale.
Is bedelkan ayaa noqon doonta mid saameyn doona dhamaan safaaradaha dibada ee Soomaaliya ku leedahay caalamka, kuwaasoo ay fadhiyaan Safiiro muddo badan gaamuray, kuwaasoo xilalka safaarada hayay muddo ka badan shan sano iyo kuwo aan horay loo bedelin tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Fowziyo Yuusuf ayaa ah haweeneydii u horeysay ee qabata xilka Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore Xafiiska kala wareegtay Wasiirkii hore Arrimaha dibada C/llaahi Xaaji, waxaana wasiiradu balan qaaday inay ku shaqeyn doonto danaha dadka Soomaaliyed.








Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|