![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Mas’uuliyiin ka socotay hay’adda socdaalka aduunka oo kulamo la qaatay maamulka Galmudug NOVEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Galkacyo kula kulmay wafdi kasocday hay’adda socdaalka aduunka iyaga oo ka wada hadlay sidii maamulkaasi looga gacansiin lahaa adeegyada dhinaca socdaalka. Kulan ay wada qaateen Wafdigan ka socday hay’adda socdaalka Aduunka iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ahaa mid uu albaada u xiranyahay ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafadda uga warbixiyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug C/samad Nuur Guuleed. Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in mas’uuliyiintii ka socotay hay’adda socdaalka Aduunka ay kala hadleen waxyaaba ay u baahaniyiin shacabka ku dhaqan maamulka Galmudug in laga caawiyo iyo in ay ka furtaan magaalada Gaalkacyo xafiis ay leeyihiin. Saraakiishkii ka socotay hay’adda iyo mas’uuliyiinta Galmudug ayaa kormeeray xeryaha ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan Gaalkacyo kuwaas oo ay su’aalo weydiinayeen.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|