|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Dallad ay ku mideysan Hey'adda ka shaqeeya arrimaha bani'aadanimada oo Muqdisho ku kulmay
DECEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dallad ay ku mideysan yihiin ilaa 45-hey'adood maxali ah oo ka shaqeeya arrimaha bani'aadanimada Soomaaliya ayaa 35-ka mid ah ay kulan ballaaran ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga hadlayay arrimo ku saabsan gar gaarka bani'aadanimada ee SAoomaaliya.
Guddoomiyaha daladda hay'adda ka shaqeeya howlaha bani'aadmanimo ee Soomaaliya oo magacooda loo soo gaabiyo (SHOC) C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan ayaa hambalyo iyo ammaan u soo jeediyay hay'adaha ka shaqeeya gargaarka, isagoo tilmaamay in intii ay jireen ay muujiyeen dadaal iyo karti dheeraad ah.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah: kaalinta ay hay'aduhu ka qaadan karaan caawinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo la sheegay in dib loogu soo celinayo gudaha dalka.
Sidii la isugu xiri lahaa haya'daha howlaha samafalka ka shaqeeya iyo inay ha'yadaha ka shaqeeya gudaha la yimaadaan karti iyo wax-qabad hufan.
"Muddadii halka sano ahayd ee ay SHOC jirtay waxaa noo qabsoomay howlo dhaxal-gal ah, sida in sideed tababar oo kala duwan la siiyay hay'adaha gargaarka ka shaqeeya iyo inay ka qaybgaleen shirar caalami ah," ayuu yiri guddoomiyaha SHOC oo intaas ku daray in howshaas in howlahooda ay sii laba-laabi doonaan.
Saraakiil ka socday hay'adaha ku mideysan SHOC oo iyaguna ka hadlay howlihii la qabtay halkii sano uu isku-taggooda jiray, waxayna sheegeen inay howlo badan oo wax-ku-ool ah qabteen, ayna diyaar u yihiin inay howlahooda intan sii kordhiyaan.
Guddoomiyaha SHOC, C/qaadir Abuubakar ayaa u mahadceliyay hay'ado caalami ah oo ay ka mid yihiin SRDF, MCF iyo THF oo fadhigeedu yahay magaalada London ee xarunta Ingiriiska.
Dalladu waxay soo bandhigtay qorshe howleedka sannadka soo socda ee 2013, taasoo falanqeyn kaddib la isku raacay, iyadoo kulanku uu kusoo xirmay jawri farxad iyo is-afgarad uu ku dheehan yahay.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|