![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad lagu xusayay maalinta naafada oo lagu qabtay Muqdisho
DECEMBER 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada laguna xusayay maalinta naafadda adduunka ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan lagu xusayay maalinta naafadda adduunka oo siyaabo kala duwan loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aheyd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna xusayay maalinta naafadda adduunka. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dadka naafada ah ay leeyihiin mudnaan gooni ah madaama ay yihiin dad aan u dhameystireen xubnahooda. Dhanka kale Munaasabadan lagu xusayay maalinta naafadda Adduunka ayaa lagu qabtay Jaamacadda Hindia Ocition ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madax ka socotay hay’adda Bisha cas, Naafo, iyo ururada u dhaq dhaqaaqo naafada Soomaaliyeed. Guddoomiye ku xigeenka Macadka naafada Soomaaliya oo hadal ka jeediyay goobta ay ka socotay munaasabada ayaa sheegay in dadka naafada ah ay u baahan yihiin in la gargaaro madaama ay yihiin kuwo aanan awoodin in ay wax qabsadaan, waxa uuna ugu baaqay dowladda iyo shacabka in ay il gaar ah ku eegaan dadkaasi. Sidoo kale madaxa hay’adda Bisha cas ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Caseyr oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in hayadooda ay dadka naafada ah ay caawin doonto maadama ay yihiin kuwa aan awoodin in ay shaqeystaan. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|