![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta Saxaafadda Soomaaliya January 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maanta oo ay ku beegan tahay 21-ka Janaayo waa maalinta Saxaafadda Soomaaliya, iyadoo lagu wado in ay mubaasabaddo lagu maamuusayo xuskaasi ay ka dhacaan gudaha dalka. 21-ka Janaayo oo ah maalinta Saxaafadda Soomaaliya waxaa maalin si gaar ah u taabaneysa dhammaan Saxfiyiinta Soomaaliyeed ee u dhabar adeegay xaaladdaha kala duwan ee uu dalka soo baray iyo kuwa uu haatan wajahayo. Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa marag ma doonta ah in ay la kulmeen Tacdiydo ka dhan ah bini’aadannimada hasa ahaatee wax ay dhabarka u xirteen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Samata bixinta ummada Soomaaliyeed oo sanadihii danbe ku jiray dhibaatooyin dhinacyo badan. Sidoo kale sanadkii ugu danbeeyay ee aynu soo macsalaameenay gudaha dalka waxaa ka dilaacda abaar baaxad leh isla markaana saameysay nolosha shacab badan oo ku sugnaa gudaha dalka iyo dalalka Dariska ah, balse Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dedaal u galay sidii ay dadka Soomaaliyeed uga bixi lahaayeen abaarta iyagoo soo bandhigayay hadba baahida dadka Soomaaliyeed inta ay la egtahay . Saxafiyiinta oo adeegsanaya Aaladda warbaahineed ee dalka ka jirta ayaa gudbiyay fariinta ummada Soomaaliyeed ee ku aadan wax u qabashada dadkooda, tusaale ahaan haddii aan la heli lahayn warbaahinta Soomaaliyeed oo gudbisa fariinta shacabka waxaa adkaan lahayd in ay helaan gurmad bini’aadannimo. Dowladda Turkiga waa dowladda ugu horeysa ee garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed waxaana la oran karaa wax ay ku soo gurmadeen 60% dadaalka iyo fariinta ay direen Saxafiyiinta Soomaaliyeed. Dhinaca kale sanadkii tagay Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay la kulmeen qal qal iyo Tacdiyaddo ku aadan howshooda, waxaana ugu murug badnayd dilkii loo geystay 18-kii bishii December ee sandkii tagay Allaha u naxariistee Marxuum C/salaan Sheekh Xasan Xiis oo ka mid ahaa Wariyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgallada maagalada Muqdisho. Ugu danbeyntii iyadoo ay arrimahaasi oo dhan la soo kulmeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed haddana maanta waa maalinta kaliya ee ay sandkiiba ku lee yihiin 21-ka Janaayo Hamablyo Saxaafadda Soomaaliya meel walbo oo ay joogaan. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|