 |
|
Abwaan,
Maki Xaaji Banaadir Iyo Maansadda Mataacul Quruur.
Dec,16.2005 Radiofreesomalia

Sugaanta Somaaliyeed waa hodon waana Xikmad ahamiyadeeda
leh kuna Fadhida Qiimo Wanaagsan iyo xeel dheerid Abwaaneed,
hab curineed cajiib ah oo laga soo Dhuraaco Badweynta Sugaanta
Somaaliyeed.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa ka mid ahaan jiray Abwaanaddii
Somaaliyeed ee Kooxdii Qaranka Waaberi, gaar ahaan qeybaha
Fanka Banaadiriga oo lahaa hab Curineed iyo aftahan-nimo hodon
ah oo hanaan Casriyeed iyo Hidihii Qamiinka ahaa ahaa ee Hab
Dhaqmeedka Beelaha Banaadirigga, Hanaanka Suganeed ee abwaanka
ayaa ka mid kuwo ugu muhiimsan dhaxalka fanka wanaagsan ee
Banaadira ama Guud ahaan Sugaanta somaaliyeed, habka jilista
iyo soo bandhigidda Riwaayadaha Qiimaha iyo xikmadda sugaaneed
leh ayuu ku caan baxay Abwaan, Maki X.Banaadir.
Maansadda heerka sarre ah, xikmada qaaliga leh, Xeel dheerida
Curineed leh iyo Garashada Furan ee Aqooneed ee Cinwaankeedu
yahay- MATAACUL QURUUR ee ah Miraha wadaniyadda iyo dareenka
somaaliyeed ee ku saleeysan Maqaamka iyo Biseeylka Dareenka
wanaagsan ee dal jaceylka iyo nuxurka qarameed ee Abwaanka
ku sifiiyeey tucubyada maansada hodonka oo tusaalinta iyo
toosinta iyo wacyi-gelinta Xaqiiqadda iyo run Sheegidda ku
fadhidda oo ka soo maaxday maskax nadiif ah oo ka Fakereeysa
Qiimaha iyo Mudnanta Qaranimadda iyo Jiritaanka Dalka Hooyo,
Dalka Muqdaska ah iyo soo Nooleeynta Dowladnimadda Somaaliyeed
oo Hanaan Cadaalad iyo hab sinaaneed leh, Garsoor xaq ah leh,
dowlad dadkeeda u adeegta, kuna duusha Danaha iyo maslaxadda
Ummadeed oo Hogaan Karti iyo Dadnimo Wanaag leh loo Xulo.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir iyo inta qaatay doorkooda oo gartay
masuuliyadda ka Saaran Dalkod hooyo oo xaalad qalafsan iyo
qaska iyo rafaadka ku jirtay aqoontooda ku Hibiyeey Wacyi-gelin
iyo tusaalinta Dadweynaha iyo kuwa isku Sheegaaya ama Lagu
Tilmaamo Hogaamiyaasha garashadda qiimaha iyo micnaha eey
ku fadhido ama leedahay Dowladnimadu iyo Midnimadda Ummadda
Somaaliyeed, Abwaanka ayaa Mudan Xurmo iyo Qadarin iyo Tixgelinta
Maansadiida Wadaniga ah Xikmadda weyn ku Saleeysan kana turjumeeysa
Xaqiiqadda iyo Ahamiyadda Nabada, Nidaamka iyo Wadda jirka
Dadka Somaaliyeed iyo Dhibka iyo Dulinimadda Colaadaha, Dagaalka
Iyo Qaska iyo Jaha-Wareerka Sababay Burburka iyo ayaan daradda
ku habsatay Dalkii Magaca iyo Maqaamka Weyn lahaa, Sumcada
iyo Xurmadda Gaarka ah lahaa S o m a a l i y a, Maansadda
ayaa ka faa,iideeysi iyo ka tusaale qaadasho Mudan Hadii Dadkii
Somaaliyeed ku Hadheen kuwo Caqli Wanaagsan leh, Damiir, Dadnimo
iyo Garasho Xoogaa ah ku Baaqi tahay oo S o m a a l i lagau
Tilmaami karro.
-Alla Mahad Led-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 16/12/2005-
-sharifhassan50@yahoo.com-
editorial@radiofreesomalia.com
|
 |