![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka adeega bulshada oo dalka dib ugu soo laabatay kana warbixisay safarkeeda JANUARY 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qasiim ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii ay socdaal shaqo ku soo kala bixisay dalalka Turkiga iyo Tuunisiya. markii ay ka soo dagtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wasiirka ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenada wasaaradda adeega bulshada iyo agaasimeyaasha wasaaradda ee waaxyaha caafimaadka, waxbarashada haweenka,iyo dhalin yarada. Maryan Qaasim oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay kulan la soo qaadatay R/wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, wasiirka caafimaadka, wasiirka arrimaha qoyska, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dalka Turkiga ayna ka wada hadleen qodobo quseeya iskaashiga iyo taakulaynta dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Drs Maryan Qaasim Axmed waxa kale ay tilmaamtay in ay booqasho ku tagtay intii ay joogtay dalka Turkiga meelaha ay waxbarashada ka dhigtaan ardayda Soomaaliyeed. Waxana ugu dambeyntii intaa ay ku dartay wasiirka in ay ka qeyb gashay kulan looga hadlay arrimaha tacliinta oo ka dhacay dalka Tuunisay madaxdii kulankaasi ka qayb gashayna ay ka wadda hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya danaha Soomaaliya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|