| Maxkammadda
islamiga ah ee Ifka xalan oo maanta loo magacaabay masuuliyiin
uu ka mid yahay Sh aadan Cayrow
Aug 3, 2005 Radio Free Somalia
Saaka abbarihii 9:00 subaxnimo ayaa xarunta
maxkamadda Islamiga ah ee Ifka xalan ka dhacay kulan ay isugu
yimaadeen culumaa’udiin,hoggaanka sare ee maxkamadaha
islaamka gobalka Banadiri iyo qaar ka tirsan ganacsatada taageerta
maxkamadaha islaamka ,halkaasoo lagu magacaabay masuuliyiin
cusub oo ka mid noqonaya hoggaanka maxkammada Ifka xalan.
Masuuliyiintii xaggaa dinta ee kulankaa kasoo
qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha sre ee maxkamadaha
Islaamka gopbalka Bvanaadir Dr Sh Shariif Sh Axmed iyo guddoomiyaha
gudddiga shuurada maxkamadda Ifka Xalan Colonel Sh Xasan Daahir
Aweys .
Waxaa halkaa lagu magacaabay guddoomiye
ku xigeen cusub oo maxkammaddaa ayyeelaneyso oo ah Sheekh
Axmed Cabdi,iyadoo agaasimaha guud ee maxkammadda loo doortay
Sh Cumar Maxamed Ciyow,halka Sh Aadan Xaashi Faarax isna loo
doortay taliyaha guud ee ciidammada Maxkammadda.
Sh aadan Cayrow ayaa lagu badalay taliyihii
hore ee ciidammada maxkamadda (Xersi Cabdi Cilmi xersi Lugey)
oo bishii hore lagu dilay magaalada Muqdisho
Sidoo kale Sheekh Cabdi Cusmaan Faarax aya
loo doortay talyaha xabsiga maxkammadda islaamiga ah ee Ifka
Xalan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo halkaa hadal
gaaban ka jeediyay ayaa sheegay waajib in ay tahay xarigga
Allaah in la qabsado oo laguna dhaqmo shareecadaislamka oo
ah dastuurka Allaah uu so dejiyay.
Dr. Sheekh Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha
golaha sare ee maxkamadaha islaamka ee gobalka Banaadir oo
isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhaqangelinta ku dhaqanka
shareecada islaamka ay tahay wajib ciddii aan qadana ay tahay
in xoog lagu qaadsiiyo.
Editorial@radiofreesomalia.com
|