![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xarun ka furaneysa Jowhar DECEMBER 13, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa goor dhow lagu wadaa in laga furo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe si dardar loo geliyo howlaha maxkamadda islamarkaana sare loogu qaado xiriirka ay leeyihiin shacabka iyo Ciidamada si aanay udhicin in askarta qaar ay dhibaato u geystaan dadka rayidka ah. Xubno uu hogaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida General Xassan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayna xubno kayihiin guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Liiban Cali Yaroow iyo xeer ilaaliyayaal maxkamadda katirsan oo xiliganba ku sugan degmooyin katirsan gobolka Sh/dhexe ayaa lagu wadaa in ay goor dhow gaaran Magaalada madaxda Jowhar si maxkamadda looga furo. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay madaxda maxkamaduhu xukunno kuridaan dad lagu soo eedeyay in ay galeen danbiyo kala duwan kuwaas oo kusugan magaalada jowhar. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|