![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyey
NOVEMBER 16, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho isbitaal ku yaala ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Aaska gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka,taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida qaarkood iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Barqanimadii maanta ayaa salaada janaasada lagula tukaday meydka gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxaa lagula tukaday masjidka isbaheysiga Islaamka ayadoo markii salaada janaasada lagu tukaday kadib loosoo galbiyey meydka qabuuraha Sheekh Suufi halkaasi oo lagu aasay. Mudane C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo markii uu aaska dhacay kadib la hadlay saxaafadda ayaa shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo ehelada marxuumkaba u diray tacsi qaran. Isloow Maxamed Yuusuf Cali oo isaguna ku hadlay magaca salaadiinta Soomaaliyeed ayaa ka taariikheeyey taariikhdii uu lahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) waxaana uu tacsi u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerida gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna hadal ka jeediyey munaasabadda aaska ayaa shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday iney saamaxaan marxuumka oo ay Alle naxariistiisa uga baryaan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo isaguna ku hadlayey magaca gudiga aaska gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa Dowladda Soomaaliya uga mahad celiyey sida ay isugu howshay sugidda ammaanka aaska gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Allaha U naxariistee Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho ayaa aaskiisa waxa uu ka mid noqonayaa aasaskii ugu ballaarnaa ee ka dhaca gudaha dalka kaasi oo ay ka qeybgalaan shacab tiro badan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|