Codka Beesha

 




 

Safiirka Mareykanka ee dalka Itobiya Mr. David Shinn ayaa soo dhoweeyay qorshaha IGAD ay ku doonayso iney ciidamo u dirto Soomaaliya, nabadna ku soo dabaalaan.

March 4, 2005 Radio Free Somalia.

Safiirka Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa soo dhoweeyay qorshaha IGAD ay ku doonayso iney Soomaaliya nabad ku soo dabaasho iyo la dagaalanka argagixisada caalamka.

Safiirka Mareykanka oo ka qaybgay xalay casho sharaf ay isugu yimaadeen safiirada dowladaha horey umaray kana dhacay magaalada Adisababa , casho sharaftaa oo uu ka soo qayb galay Ra'iisul wasaaraha dalka Itobiya Miles Zanawi, shirkaa oo inta badan looga hadlayay arimaha argagixisada caalamka iyo la dagaalankeeda .

Safiirka mareykanka ee dalka Ethiopia Mr. David Shinn oo halkaa qudbad dheer ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in dalka mareykanka uu aad ugu faraxsan yahay kaalinta wax ku oolka ah ay Ethiopia ka qaadanayso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada balaaran ee ciidamo gaynta Soomaaliya.

Mr. David Shinn isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri waxaan dalalka IGAD la garab taaganahay qorsha ciidamada ay ugu diraayaan Soomaaliya iyo in la xoojiyo dowlada loo sameeyay Soomaaliya.

Gabagabadii R/wasiirka dalka Itoobiya ayaa siwayn ugu mahad celiyay Mr. David Shinn iyo dowladiisaba balanqaadyada dhaqaale ay u fidinayaan Soomaaliya iyo ciidamada IGAD .

Waxaa halkaa ka cad in Soomaaliya haday doonayso ciidamo iyo inkale aanay cidina kala tashanayn, saf hore iyo saf dambe , qudbadihii casho sharaftaa laga soo jeediyay ayaa waxay u muuqatay mid Mareykanka uu taageero buuxdo ku siiyay dalalka IGAD iney la dagaalamaan argagixisada, Soomaaliyana nabad lagu soo dabaalo

editorial@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com