![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada ku sugan gobolka Baay oo loo bilaabay qaadashada mushaarka
JANUARY 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa bilaawday bixinta mushaarka ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay. Mudane C/xakiim Fiqi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo muddo laba maalin ah safar ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta u bilaabay ciidamada ku sugan gobolaasi bixinta mushaarka xili uu kormeer ku tagay xero tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan gobolkaasi. Wasiirka Difaaca dalka iyo wafdigii la socday oo booqday deegaanka lagu magacaabo Goofgaduud oo qiyaastii 30 KM u jirto magaalada Baydhabo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo dhowaan loogu soo xiray tababar. Taliyaha ciidamada XDS oo hadal u jeediyay ciidamada ayaa sheegay in looga baahan yahay sidii ay goobaha yare ee ka tirsan dalka ciidamadaasi uga qeyb qaadan lahaayeen sidii ay uga xoreyn lahaayeen maleeshiyada kooxda shabaab. Wasiirka iyo xubnihii la socday ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana wasiirka markii uu ka soo dagay garoonka uu ka warbixiyay safarkiisa isagoona sheegay in uu ku soo dhamaaday guud. wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa mudo laba maalin ah safar ku joogay magaalada Baydhabo halkaas oo ay kulamo kala duwan kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo shacabka ku dhaqanka gobolkaasi waxaana ujeedka socdaalka uu yahay u kuurgalida xaaladda gobolkaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|