|  
Ganacsatada
Gobolka Banaadir oo Soo Saaray Baaq ay Dawladda ku Taageerayaan
Feb,10.2005 RadiofreeSomalia (RFS)
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa soo saaray war
saxaafadeed ay ku taageerayaan dowladda ayna dib soo celinta deganaanta
dalka kaga qayb qaadanayaan.
War saxaafadeedka ganacsatada oo nuqul ka mid ah
la soo gaarsiiyay Radiofreesomalia:ayaa u qornaa sidatan :
Ganacsatada gobolka Banaadir waxay soo dhawaynayaan,wafdiga
ka socda baarlamaanka iyo xukuumadda soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo
guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ee soo
gaaray Muqdisho.
Ganacsatadu waxay guddoomiyaha,guddoomiye ku xigeenka,xubnaha
baarlamaanka iyo xukuumaddaba ku bogaadinayaan booqashada hor dhaca
ah oo ay ku yimaaddeen dalka,taas oo bilow fiican iyo dhiirri galinba
u noqonaysa hanaanka dowladda cusub ee soomaaliyeed ay ku imanayso
ugana howl galayso dalka gudihiisa.
Ganacsatadu shirkii ay la yeesheen wafdiga ka dib
waxay magacaabeen guddi gaar ah oo ka soo baaraandaga arrimihii laga
wada hadlay,guddigaasi waxay isugu yimaadeen dhowr shir oo ay uga
wada hadleen,kaalinta ganacsatadu ka qaadan karto marxalladda xasaasiga
iyo taariikhigaba ah ee dalkeennu marayo.
Gunaanadkii shirkaasi waxaa la isku raacay in ganacsatada
gobolka Banaadir ay si buuxda u taageeraan dowladda soomaaliya u dhalatay,si
loo sahlo imaatinkeeda dalka iyo hanashada xilkeeda,waxaa si gaar
ah hoosta looga xarriiqay qodobbadan soo socda:
1- In dowladda soomaaliyeed lagu soo dhaweeyo dalka
iyo magaalo madaxdaba,loona diyaariyo tashiilaadka ay u baahantahay.
2- In ganacsatadu dowladda gacan buuxda ku siiso
dhammaystirka dib-u hesheesiinta iyo sugidda nabad galyada.
3- In dowladda lagala shaqeeyo barnaamijyada hub
ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka hubaysan.
4- In dowladda lagala shaqeeyo hir galinta barnaamijka
canshuuraha.
5- In ay ganacsatadu kaalin Muuqata ka qaadato dib
u dhiska dalka gaar ahaan soo celinta deegyada bulshada iyo kaabayaasha
dhaqaalaha.
6- Ganacsatadu waxay ayidayaan in dib loo dhiso ciidanka
qaranka soomaaliyeed, si uu u hanto sugidda nabad galyada dalka iyo
ururinta hubka,haddiise laga maarmi waayo in la kaashado ciidammo
shisheeye waa in aysan ka imaan dalalka safka hore iyadoo la xurmaynayo
xeerarka caalamiga ah lana tix galinaayo duruufaha gaarka ah ee gobolka
ka jira.
Si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wada shaqayn wanaagsan,oo
ka dhaxaysa dowladda iyo ganacsatada waxaa lagama maarmaan ah in la
helo guddi labada dhinac ah oo howlaha kor ku xusan ka wada shaqeeya.
Ugu dambayntii ganacsatadu waxay diyaar u yihiin
gudashada waajibka ka saaran in dalka lagu soo dabbaalo dowladnimo
asaas u noqota soo noolaynta qaranka soomaaliyeed,soo celinta sharciga
iyo kala dambaynta,sugidda nabadgalyada iyo xasilloonida, dib u dhiska
dalka iyo horu marinta nolosha shacabka.
Danta guud ka sokow arrimahaasi oo dhami waa kuwo
u adeegaya danta ganacsatada waayo waxay asaas u yihiin horumarinta
ganacsiga dhan walbaba.Ganacsatada gobolka Banaadir iyagoo xiriir
iyo wada tashi la sameeyay xubnohooda muhiimka ah ee aan hadda dalka
ku sugnayn waxay guddoonsadeen in ay u howl galaan sidii dowladdu
uga hir gali lahayd dalka oo dhan gaar ahaan
magaalo madaxda.
Bayaankaasi ganacsatadu soo saareen,waxaa ku saxiixnaa
guddoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir Maxamuud C/kariim Cali Gabayre.
Liibaan Cabdi Cali
hayaan_8@hotmail.com.
 

|