![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya
DECEMBER 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyata Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya oo uu hogaaminayey Madaxweynaha dalkaasi Mwai Kibaki ayadoo sidoo kalena xubnaha hogaaminayey ay ka mid ahaayeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Dalkaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Joma Kenyata kadib salaaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Dalka Kenya ayadoo Astaanta Calanka ee Dalkeennana garoonka loogu garaacay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya oo ay kulammo wada qaadan doonaan saacadaha soo socda ayadoo wafdiga Madaxweynahana uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|