![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha midowga Afrika ay u soo magacaawday Soomaaliya DECEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magacaawday Soomaaliya Mudane Ambassador Annadif Mohamat Salah. Danjiraha ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya, halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya. Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda SoomaaliyaTiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|