![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Riyadh JANUARY 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa gaarey dalka Sucuudi Caraabiya, kadib markii uu soo dhamaadey booqashadii uu ku joogey dalka Maraykanka. Shirkaasi oo ay ka qeybgalayaan 21-Hogaamiye oo ka socda dalal Carbeed waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin ganacsiga, maalgashiga, shaqo abuurista, tamarta iyo ka hor-tegidda cudurrrada sida ay xaqiijiyeen saraakiil Madaxweynaha ku wehlisa safarkiisa sacuudiga. Waa shirkii sadexaad ee horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada dalalka Carbeed kaasoo ay martigelinayso dowladda sacuudiga iyadoo gebogebada shirkaasina laga soo saari doono Warmurtiyeed ay u dhanyihiin dhinacyada ka qeybgalaya. Madaxweynaha ayaa muddada uu shirku socdo kulamo la qaadan doono qaar kamid ah madaxda dalalka carabta. Jaamacadda carabta ayaa marar badan dhaqaale u ballan qaadey Soomaaliya kaas oo inta laga fuliyey a ahayd mid aad u yar. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|