![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha oo cambaareeyay qaraxkii Islii NOVEMBER 20, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxii argagixisnimo ee lala beegsaday shacab gaari saarnaa 18 bishaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Madaxweyne Xassan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxa sababay dhimashada 9 qofood iyo dhaawaca in ka badan 30 qofood oo Kenyan ah kuwaas oo aan waxba galabsan. War laga soo saaray madaxtooyada ayuu madaxweynuhu ku sheegay in argagixisnimadu ay tahay tallaabo naxariis darro ah oo ka dhan ah shacabka aan waxba galabsan, isagoo hoosta ka xariiqay dowrka naf hurnimada ah ee ay ciidamada Kenya ku bixiyeen sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabad iyo kala dambeyn, isagoo tilmaamay in weerarrada noocaan ahi aysan yareyn doonin xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka xun yihiin dhibaatada ay argagixisadu u geysatay walaalahooda Kenya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|