![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Itoobiya
NOVEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsa dowladda. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Adis si ay uga wada hadlaan xiriirka labad dowladood.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|