|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay xiritaanka kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka
JANUARY 7, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xiritaanka kalfadhiga koowaad ee Barlamaanka Soomaaliya, ka hor inta aysan fasaxooda aadin.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay shaqada culus ee ay qabteen, iyadoo daruufo adag lagu jiro, iyadoo Madaxweynuhu xusuusiyay inay wali saaran tahay mas'uuliyad ballaaran.
Khudbadiisa oo aad u dheereyd ayaa Madaxweynaha soo hadal qaaday inay waajib tahay in la dhameystiro dastuurka.
"Soomaaliya karaamad iyo ixtiraam ayey u tahay inay leedahay Barlamaan Mas’uuliyad isi saaray, Dastuurka in la dhemeystiro waa waajib saaran dhamaan dowladda, Dalka waa in federaal laga dhigo, oo ay si xor ah u dortaan shaqsiga hogaaminayo"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mar uu ka hadlay maamul goboleedyada ayuu wuxuu sheegay in Barlamaanka laga sugayo in ay keenan qorshihii lagu dhisi lahaa, waxaana uu ogeysiiyay in deegaan walbo uu dooranayo masuulka hogaamin doono, loona baahan yahay dowladda in la gaarsiiyo dhamaan goboladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Xildhibaanada in ay ka qeyb qaatan sugida amniga ayna u baahan yihiin in ay la hadlaan shacabka ay matalaan ee ku sugan dalka ama dibaddiisa ,si ay ugu qeyb qaataan dhaqaale uruurin loo sameynayo dowladda.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay mareyso howlaha sugida amniga, isagoo ku tilmaamay inuu yahay muhiimadda koowaad ee dowladda sidaas darteedna laga rabo Xildhibaanadda in ay xiliga fasaxa ay ka sii shaqeeyaan amniga.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|